Isku xirrada

War Deg-Deg ah

EU oo Cambaareeyey Xukunnada Dilka Somalia


Ururka Midawga Yurub ayaa cambaareeyey Xukunnada dilka ah ee laga fuliyey magaalada Muqdisho bishii January 3-deedii, Dararweyne iyo Mandheera bishii January 11-keedii.

Ururka Midawga Yurub ayaa cambaareeyey Xukunnada dilka ah ee laga fuliyey magaalada Muqdisho bishii January 3-deedii, Dararweyne iyo Mandheera bishii January 11-keedii.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Midawga Yurub ayaa si weyn loogu cambaareeyey fulinta Qisaasta taas oo warka ka soo baxay Midawga Yurub lagu sheegay inay xadgudub ku tahay Xuquuqal Insaanka iyo sharafta Aadahana, islamarkaana aanay ahayn shay loo isticmaali karo cadaaladda.

Warka ka soo baxay Midawga Yurub ayaa intaas sii raaciyey inay si weyn uga walaacsan yihiin wararka sheegaya in Somaliland ay qisaas ku fulisay illaa afar qof bishan January 11-keedii, islamarkaana ay ka walaacsan yihiin in masuuliyiinta Somaliland ay dib u soo cusboonaysiiyeen xukunnadii dilka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in si taas la mid ah ay walaac uga qabaan wararka sheegaya in dad lagu qisaasay magaalada Muqdisho, bishan 3-deedii.

Ururka Midawga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ahi waxay ugu baaqayaan masuuliyiinta dhinacyadan kala duwan inay joojiyaan xukunnada dilka ah, islamarkaana ay hirgeliyaan cahdiga joojinta xukunnada dilka ah.

XS
SM
MD
LG