Isku xirrada

Garoon Cusub Oo Laga Furay Boosaaso


Madaxweyne Xasan ayaa xariga ka jaray garoonka

Madaxweyne Xasan ayaa xariga ka jaray garoonka

Garoonkan diyaaradaha ee cusub ayaa waxaa maanta xariga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa maanta xadhiga ka jaray garoon diyaaradeed cusub oo laga furay magaalada Boosaaso.

Garoonka Caalamiga ee magaalada Boosaaso ee maanta la furay ayaa waxaa maal gelissay dowladda Talyaaniga, waxaana dhismihiisa hirgelisay shirkad dhismo oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay in Puntland ay u furan tahay in cid kasta ay maal-gashi ku sameysato.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furitaanka garoonka cusub ee Boosaaso ku tilmaamay guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Warbixintan waxaa Bossaso ka soo dirtay Faadumo Yaasiin Jaamac.

XS
SM
MD
LG