Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tahriibayaal Xeebaha Somaliland lagu Qabtay


Tahriibayaal (Sawir hore)
Tahriibayaal (Sawir hore)

Dadkan ayaa markii la qabanayey isugu jiray 72 qof oo nool iyo 7 qof oo meyd ah, waxaana kadib geeriyooday qaar ka mid ah dadkii la qabtay.

Somaliland ayaa sheegtay in gobolka Sanaag ay ku qabteen doon waday in ka badan 80 qof oo tahriibayaal Ethiopian ah, oo ay ku jiraan dad meyd ah.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaaga Axmed Cabdi, ayaa VOA-da u sheegay in markii doontaas ay gacanta ku dhigeen ay ku arkeen 7 qof oo meyd ah, kadibna saddex qof oo kale ay gadaal ka geeriyodoeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in doontan ay ka timid dhinaca xeebaha Puntland, islamarkaana ay wadayaal ka ahaayn rag Soomaali ah.

Axmed Cabdi ayaa sheegay in iminka ay hayaan 72 qof oo qaar ka mid ah ay aad u jaageysan yihiin, qaar kalena ay xanuunsan yihiin. Dadkaas 10 ka mid ah waa haween, halka 62 kale ay yihiin rag.

Doontan ayuu sheegay inay u tahriibeysay dalka Yemen.

Guddoomiyaha waxaa khadka taleefonka ku wareystay, Maxamed Cabdi Sandheere.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:47 0:00



XS
SM
MD
LG