Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Korea-da Woqooyi Oo "Tijaabisay H-Bomb"


Madaxweynaha Korea-da Woqooyi Kim Jong Un
Madaxweynaha Korea-da Woqooyi Kim Jong Un

Korea-da Woqooyi, ayaa ku macneysay tijaabada mid difaacu nafsi ah, oo lagu ilaalinayo madaxbanaanida dalka.

Korea-da Woqooyi ayaa arbacada sheegtay inay “Si guul leh” u tijaabisay bam haydorojiin ah, tallaabadaas oo ay si kulul u cambaareeyeen hoggaamiyayaasha caalamka.

Ku dhowaaqista arrintan oo lagu sameeyey taleefishinka qaranka, ayaa ku macneysay tijaabada mid difaacu nafsi ah, oo lagu ilaalinayo madaxbanaanida dalka, waxaana dhowr mar lagu tixraacay Mareykanka.

Arrintan ayaa timid wax kayar bil un markii hoggaamiyaha Korea-da Woqooqyi Kim Jong Un, uu sheegay in dalkiisa uu horumariyey bam haydarojiin ah. Mareykanka iyo dalalka kale ee caalamka ayaa sheegashadaas aan waxba kasoo qaadin.

Bamka haydarojiinka, ayaa si aad ah uga xoog badan bamka atoomika.

Korea-da Woqooyi ayaa horey u sameysay saddex tijaabo oo nuclear ah, sanadihii 2006, 2009 iyo 2013. Dhammaantood waxa ay ka dhaceen goobta lagu magacaabo Punggye-ri, halkaasi oo dhowr hay’adood maanta ay sheegeen inay laga dareemay dhul gariir ay dad sababaeen.

Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Mareykanka, Ned Price ayaa sheegay in Mareykanka uusan xaqiijin karin tijaabadan, hase yeeshee dowladda Mareykanka waxay marar badan ku celisay inaysan aqbali doonin in Korea-da Woqooyi ay haysato hub Nuclear ah.

XS
SM
MD
LG