Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalida Minnesota Oo Dhaleeceeyey Shabaab


Jaaliyadda Minnesota (Sawir hore)
Jaaliyadda Minnesota (Sawir hore)

Soomaalida ayaa ka walaacsan Video ay soo saartay Al-Shabaab oo soo hadal qaaday dhallinyaradii horey halkaa uga tagay ee ku biiray Al-Shabaab.

Culumda iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Mujtamaca Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay mukhaal Fidioyow oo dhawaan ay sii deysay Al-Shabaab.

Muuqaalkan oo lagu faafiyey baraha internet-ka ee taageera Al-Shabaab, ayaa oo soo hadal qaadayay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul ee gobolka Minnesota, iyo dhalinyaradii horey halkaa uga tagay ee ku biiray Al-Shabaab iyo ururada kale ee argagixisada.

Kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Minneapolis ayey ku cambaareeyeen fidiyowgaas, waxeyna ugu baaqeen dhallinyarada Muslimiinta inay sidaa oo kale u cambaareeyaan.

Dadkii ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Hodan Xasan, oo la guddoomiye ka ah guddi u istaagay ka hortagista iyo ka hadalka dhibaatooyinka Soomaalida Gobolka.

Wriyehhnna Maxamed Cabdi Xassan ayaa weydiiyay sababta ay uga welwelsan yihiin Fidiyowgan ugu dambeeyay ee Al-Shabaab.

Soomaalida Minnesota oo walaacsan
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00

XS
SM
MD
LG