Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Galay War-Maxan


Maleeshiyada Al-Shabaab
Maleeshiyada Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa VOA-da u sheegay in dagaal saacado socday uu dhex maray Ciidamada Dowladda ee War-Maxan iyo Al-Shabaab

Maleeshiyo ka tirsan Ururka Al-shabab ee Somalia ayaa saakay aroortii muddo kooban xoog ku galay deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeelaha hoose, halkaa oo ay dagaal muddo saacad qaatay kula galeen ciidamada dowladda Somalia.

Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in maleeshiyadu ay muddo kooban la wareegtay tuulada ka hor inta aysan isaga bixin.

Al-shabab ayaa baraha internetka ee taageera ku sheegatay in hub iyo gaadiid dagaal ay ku qabsadeen weerarkaasi saakay ay ku qaadeen Warmaxan.

lama oga tirada saxda ah ee qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalkaa ka dhashay.

Laakiin wararka qaar ayaa dhimashada gaarsiinaya ilaa iyo sideed qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah.

Gudoomiyaha Degamada Wanlaweyn oo warmaxan laga xukummo, Mohamed Sidow Abdirahman, ayaa VOA u sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dagaalkaa ku dhintay, maleeshiyadii weerarka soo qaadayna ay iska caabiyeen oo aany si buuxda ula wareegin magaalada.

Warmaxan oo qiyaasti 60KM dhinaca koonfur galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhex mara jidka weyn ee isku xira Muqdisho iyo gobolada koonfur galbeed Somalia.

Wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa arrimahan ka wareysatay guddoomiyaha Degamada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose, Maxamed Siidoow Cabdiraxmaan.

Shabaab oo weeraray Warmaxan
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:30 0:00

XS
SM
MD
LG