Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jaamacadda Gaarisa Oo Dib Loo Furay


Jaamacadda Garaisa ayaa la weeraray bishii April ee 2015 (Sawir hore)
Jaamacadda Garaisa ayaa la weeraray bishii April ee 2015 (Sawir hore)

Jaamacaddan ayaa xirneyd 9 bilood, kadib weerar dhimasho leh oo kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday bishii April ee 2015.

Jaamacadda Gaarisa ayaa si rasmi ah maanta dib loogu furay, sagaal bilood kadib markii koox Al-Shabab ka tirsan ay weerar ku qaadeen jaamacadda oo ay ku dileen 150 oo u badnaa arday.

Sida lagu baahiyay warbaahinta Kenya oo soo xiganeysa mas’uuliyiinta Jaamacadda, waxaa maanta si rasmi ah u shaqo bilaabay shaqaalaha Jaamacadda iyadoo ardaydayna la filayo inay jaamacadda ku noqdaan maalinta Isniinta ee soo socota.

Si loo suggo ammaanka, oo looga hortago weerar la mid ah kii lagu qaaday Jaamacadda, ayaa fariisin boolis lagu soo kordhiyay dhismaha Jaamacadda.

Weerarkii Bishii April ee sanadkii hore lagu qaaday jaamacaddan, ayaa ahaa kii ugu xumaa ee ay Al-shabab ka fuliso gudaha dalka Kenya.

Markii uu weerarkan dhacay ayaa jaamacadda ay bahwadaagta yihiin ee Eldoret, waxa ay u yaboohday 650 ardayda jaamacadda ah inay wax barashadooda ka sii wadan karaan halkaa, lamana oga inay ku soo noqonayaan jaamacadda iyo in kale.

Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka ee Gaarisa kula xidhiidhay Maamulaha Jaamacadda Prof. Axmed Cusmaan Warfaa, waxaana uu ugu horayn weydiiyey sida uu ku yimid go’aanka dib u furista Jaamacadda.

Jaamacadda Gaarisa oo dib loo furay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00

XS
SM
MD
LG