Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tel Aviv: Booliska oo Raadinaya Qof Dad Dilay


Booliiska Israel ayaa sheegay in ay baadi goobayaan nin dabley ah oo makhaayad ku taalla magaalada Tel Aviv toogasho ugu dilay labo qof, 3 kalena ku dhaawacay.

Muuqaal laga arkay camerad ku xirnayd tukaan goobta ka agdhawaa ayaa muujinaya nin da’ yar oo muraayadaha indhaha xiran, boorsana dhabarka ku wata oo si deggan u adeeganaya. Muuqaalka ayaa sidoo kale muujinaya isaga oo dukaanka galaya, boorsadiisiina dul dhigaya gaariga yar oo ah kuwa lagu adeegto, ka dibna qori la soo baxaya, isla markaana waddada dhinaceeda u dhaqaaqay, rasaasna furay. Intaas ka dib ayaa muuqaalka cameradu muujiyey ninka oo sii cararaya.

Aabaha ninka toogashada geystay ayaa aqoonsaday wiilkiisa, ka dib markii muuqaalada camerada laga baahiyey channelka 10-aad ee Israel. Aabaha ayaa maamulka arrintan ku wargaliyey, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP.

Weerarka maanta ayaa yimid iyada oo meydadka 23 qof oo Falastiiniyiin ah oo ciidamada Israel ay dileen lagu celiyey Daanta Galbeed. Celinta meydadkan ayaa looga dan lahaa in xiisadda deegaanka ka jirta lagu yareeyo.

XS
SM
MD
LG