Isku xirrada

India oo Iska Horimaad ay 6 qof ku Dhinteen


Saraakiil reer India ah ayaa sheegay in afar dabley ah iyo labo ilaalo ah in lagu dilay saldhig ciidamada cirka ahi ay leeyihiin oo ku yaalla gobolka Punjab oo u dhow xadka dalka Pakistan.

Iska hor imaadkan oo maanta oo dhan socday, ayaa kooxda dableyda ahi ay ku weerareen saldhigga Pathankot. Weerarka ayaa bilowday saaka goor hore, iyada oo rasaasna la maqlayey saacado ka dib markii weerarku bilowday.

Saraakiisha India ayaa sheegay in ay isku dayayaan in aqoonsadaan kuwii weerarka qaaday. Hase yeeshee, qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka ee dalkaas ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in dableydu ay xubno ka yihiin ururka Jaish u Mohammed. Ururkan ayaa saldhigiisu yahay dalka Pakistan, kaas oo doonaya in xornimo loo helo gobolka ay India maamusho ee Jamo Kashmir.

XS
SM
MD
LG