Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jabuuti: Xaamud Cabdi Suldaan Oo La Xiray


Xaamud Cabdi Suldaan, ayaa waxa uu ka mid ahaa 32 qof oo loo xiray rabshadihii ka dhacay xaafadda Balbala ee magaalada Jabuuti.

Dowladda Djibouti ayaa shalay xabsiga dhigtay wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan oo dhawaan ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay Dhjibouti.

Afhayeenka dallada Mucaaradka ah ee USN Daahir Axmed Faarax, ayaa VOA u sheegay in Xaamud ay ciidamadu ka kaxeysteen iridka hore ee Isbitaalka shalay markii uu ka soo baxay.

Waxa uu sheegay inay ka walaacsan yhn xaaladdiisa caafimaad madaama weli aanu bogsoon oo uu baahan yahay dhaqtar in uu arko maalin walba.

Dowladda ayaa sheegtay inay xabsiga dhigtay 32 qof oo uu ku jiro wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Aqaafta.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Djibouti Maki Cumar Cabdulqaadir ayaa sheegay in dadkan la xidhay lagu so ooggey dacwado la xidhiidha rabshaddihii maalinti isniinti 21-kii December 2015 ka dhacay duleedka magaalada Djibouti gaar ahaan degmada Balbala kuwaas oo dadna ay ku naf waayeen qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka Cadaaladda ee JabuutiCali Faarax Casoowe ayaa difaacay go’aanka ay dowladda ku xirtay Wasiirkii hore ee Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan iyo Duqii hore ee magaalada Jabuuti Cabdiraxmaan Maxamed Geelle iyo sodomeeyo qof oo kale oo maanta la xiray.

Wareysi: Wasiirka Caddaalad Jabuuti
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:05 0:00

Xeer ilaaliyaha waxaa wareystay Weriyaheena Djibouti Ramadan Muuse.

Wareysi: Xeer Ilaaliyaha Jauubti
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:54 0:00

Jamaal Axmed Cismaan ayaa isna wareystay Daahir Axmed Faarax.

Xaamud Cabdi Suldaan oo la xiray
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:22 0:00

XS
SM
MD
LG