Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hanti Dhowrka: Turkiga Ma Ogola Xisaabtan


Garoonka Muqdisho waxaa maamula shirkadda Favori (Sawir hore)
Garoonka Muqdisho waxaa maamula shirkadda Favori (Sawir hore)

Nuur Faarax oo wareysi siiyey VOA-da ayaa eedeeyey shirkadaha Al-Bayrak iyo Favori oo labudba laga leeyahay dalka Turkiga.

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan wadi karin howlaha xisaabinta ilaha dhaqaalaha ee dalka kadib markii dhowr shirkad ay diideen in lala xisaabtamo.

Nuur Faarax oo wareysi siiyey VOA-da ayaa si gaar ah u cayimay laba shirkadood oo ajaanib ah oo gacanta ku haya maamulka dhaqaale ee dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Hanti dhowraha ayaa sheegay in shirkadaha Al-Bayrak iyo Favori oo labudba laga leeyahay dalka Turkiga ay muddo sanad ah wadeen howlaha garoonka iyo dekedda, ayadoo aysan jirin cid la xisaabtantay ilaa iyo haatan.

Arrinkan ayaa waxaa uu gaarey Baarlamaanka Somalia oo ka fariisan doono bilaha soo socda iyagoo dib u eegis ku sameynaya howlaha shirkadahan.

Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka ee magaalada Muqdisho kula xariirtey hanti dhowraha guud Muddane Nuur Faarax kana wareysatay arrintan.

Hanti Dhowraha Guud
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:54 0:00

XS
SM
MD
LG