Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Kenya Oo 2 Qof Ku Dilay Mandhera


Guddoomiyaha Degmada Mandheera, Fredrick Shisia ayaa u sheegay VOA in ciidamada ammaanku ay ka shakiyeen labadan qof.

Ciidamada Kenya ayaa galabta toogasho ku dilay laba qof, saddex qof oo kalena waa ay dhaawaceen, kadib markii ay rasaas ku fureen gaari marayey bartamaha magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya.

Guddoomiyaha Degmada Mandheera, Fredrick Shisia ayaa u sheegay VOA in ciidamada ammaanku ay toogteen labada qof oo saarnaa gaari yar oo kuwa raaxada ah, markii ay uga shakiyeen in gaariga ay saarnaayeen walxaha qarxa.

Feysal Cabdi Nuur oo ah mudane ka tirsan baarlamanka Mandheera, ayaa VOA-da u sheegay in gaariga ay saarnaayeen labadan qof ee la toogtay ay baaritaan ku sameeyeen, ayna ka waayeen waxyaabaha qarxa ee ciidamadu ay sheegeen.

Feysal waxa kale oo uu sheegay in labada qof ay baddalanayeen taayar ka banjaray markii ay ciidamada tooganayeen. Waxa uu intaas ku daray inay ahaayeen dad si aad ah looga yaqaanay magaalada.

Xaaladda magaalada Mandheera, ayaa iminka kacsan, waxaana isku soo baxay dad ka carreysan falka ciidamada, sida uu VOA-da u sheegay Feysal Cabdi Nuur.

Wariyaha VOAd Maxamed Farax Shire ayaa warbixintan ka soo diray Magaalada Gaarisa.

Laba qof oo lagu toogtay Mandheera
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:34 0:00

XS
SM
MD
LG