Isku xirrada

Jowhar Lagama Mamnuucin Indho-shareerka


Haweeney Indho-Shareer xiran

Haweeney Indho-Shareer xiran

Ku simaha guddoomiyaha oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in hadalkii shalay ka soo yeeray agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka shabeellaha dhexe Cabdikarin Cumar uu yahay mid aan waxba ka jirin oo uusan maamulka ka warqabin, islamarkaasna uu arrintaasi ka raalli gelinayso guud ahaan shacabka gobolka Shabeellaha dhexe.

Ku simaha ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira sababta keentay in mas’uulkaasi uu sheego go’aan uusan maamulka gaarin.

Shalay ayey ahayd markii agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka shabeellaha dhexe Cabdikarin Cumar uu VOA u sheegay in maamulku uu mamnuucay in haweenku ay xirtaan indho-shareerka iyo sidoo kale in habeenkii aysan socon karin mootooyinka loo yaqaano bajaajta-

Hoos ka dhageyso wareysiga.

XS
SM
MD
LG