Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilmo Lagu Gowracay Gobolka Sool


Laascaanood
Laascaanood

Maxamuud Yuusuf Xasan oo ah aabaha wiilkan dhalay ayaa VOA u sheegay in wiilkiisu uu dhaawicii gorwacaasi ka soo gaaray u geeriyooday.

Deegaan lagu magacaabo Dabataag oo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool u jira 48 KM ayaa waxaa la sheegayaa in toddobaadkan lagu gowracay oo dhaawac la gaarsiiyay ilmo yar oo jira sadex sano.

Ilmahan ayaa reerkiisu waxa ay sheegeen in laga qaatay ardaaga gurigooda.

Maxamuud Yuusuf Xasan oo ah aabaha wiilkan dhalay ayaa VOA u sheegay in wiilkiisu uu dhaawicii gorwacaasi ka soo gaaray ugu dhintay cisbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.

Maxamuud waxa uu sheegay in Baadi goob ay ku jiraan dadka deegaanka sidii loo soo heli lahaa qofkii ka dambeeyey falkan.

Warbixintan waxaa Laascaanood nooga soo diray weriyaheena Cabbdikariin Cabdullahi Bile.

Ilmo yar oo lagu gowracay meel u dhow Laascaanood
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:28 0:00

XS
SM
MD
LG