Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Xiisadda Ka Taagan Jabuuti


Djibouti
Djibouti

Shaqaaqooyinkii ka dhacay Jabuuti ayaa dowladda waxa ay sheegtay inay ku dhinteen 7 qof, balse mucaaradka intaas waa ay ka badinayaan.

Dalka Djibouti waxaa toddobaadkan ka taagnaa xiisado kala duwan, kadib markii laamaha ammaanka ee dalka Djibouti ay hawlgallo ka fuliyeen goob loo asteeyey in lagu qabto Xus ay lahaayeen mid ka mida beelaha ku dhaqan dalka Djibouti.

Mucaaradka dalka Djibouti ayaa ku eedeeyey Xukuumadda inay laayeen dad shacab ah, ayna Xukuumaddu dhaawacyo kala duwan u geysatay qaar ka mida hoggaanka Mucaaradka.

Hase ahaatee arrintaas waxaa beenisay Xukuumadda oo Mucaaradka ku eedaysay inay u shaqaynayaan kooxo debedeed oo doonaya inay dalka xasilooni darro ka abuuraan.

Haddaba Barnaamijkeenna faaqidaadda Toddobaadka ayaan arrimahaas kaga hadlaynaa, waxaana ka qayb gelaya Wasiirka Diinta, Awqaafta iyo Dhaqanka ee Djibouti Dr. Aadan Xasan Aadan, La-taliyaha Arrimaha Sharciga isla markaana ah Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Dalladda Xisbiyada Mucaaradka Djibouti ee USN Garyaqaan Jaamac Amarreh Meydal iyo Maxamed Maxamuud Xasan oo ka mida ururada bulshada rayidka ah ee Djibouti. Waxaa barnaamijka daadihinaya Ismaaciil Xuseen Farjar.

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka
please wait

No media source currently available

0:00 0:35:36 0:00

XS
SM
MD
LG