Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Indho-Shareerka Oo Laga Mamnuucay Jowhar


Haweeney xiran indha-shareer (Sawir)
Haweeney xiran indha-shareer (Sawir)

Go’aankan ayaa maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe waxa uu ku macneeyey inay u qaateen sababo dhinaca amniga ah.

Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada caasimadda gobolka ah ee Jowhar ka mamnuucay in haweenka ay xirtaan indho shareerka.

Maamulka ayaa sidoo kale magaalada ka mamnuucay in mootooyinka Bajaajta loo yaqaan aysan socon karin xilliyada habeenkii.

Go’aankan ayaa maamulka waxa uu ku macneeyey inay u qaateen sababo dhinaca amniga ah, iyadoo magaalada ay isku diyaarinayso inay marti-galiso shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan.

Maamulka ayaa sheegay in horey magaalada loogu arkay rag soo xirtay indha-shareerka, oo ayaga oo doonaya inay falal amni darro ahmagaalada ka fuliyaan la qabtay.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in sababta magaalada looga mamnuucay Bajaajta xilliyada habeenkii ay tahay inay sahlan tahay in mootooyinka noocan ah lagu fuliyo weerarada.

Illaa hadda lama shacain waqtiga ay socon doonaan mamnuuciddan.

XS
SM
MD
LG