Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria: Qarax Booyad Oo Dilay Boqol Qof


Abuja, Nigeria
Abuja, Nigeria

Dabka ayaa khamiistii ka kacay xarun shidaal oo ku taalla magaalada Nnewi ee gobolka Anambra, kadib markii baabuur booyad shidaal ah uu qarxay.

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku geeriyooday dab ka dhashay qarax booyad shidaal oo ka dhacay dalka Nigeria, sida ay sheegeen suxufiiyiin goobta tagay.

Xafiiska madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa sheegay in "Tobaneeyo qof" oo ciiddooda kirismiska isku diyaarinaya ay geeriyoodeen, inkasta oo uusan shaacin tiro cayiman.

Dabka ayaa khamiistii ka kacay xarun shidaal oo ku taalla magaalada Nnewi ee gobolka Anambra, kadib markii baabuur booyad shidaal ah uu qarxay waxyar un kadib markii shidaalka laga buuxiyey.

Wararka ayaa sheegaya in dabkii halkaas ka dhashay uu nolosha ku gubay dad badan oo saf ugu jiray inay qaataan gaas ay cunto ku karsadaan.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo qaadayisbitaalka Nnamdi Azikiwe University Teaching ee magaalada Nnewi.

Dabka ayaa gubanayey muddo saacado ah.

XS
SM
MD
LG