Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab Oo Dilay Gudoomiyihii Mareerey


Dagaal ka dhacay Jubbadda hoose
Dagaal ka dhacay Jubbadda hoose

Guddoomiye ku xigeenka Afgooye Cabdilaahi Xasan Cabdi Taagane, ayaa VOA-da u sheegay in Cismaan Sheekh Axmed Macaane meydkiisa la helay.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa la sheegay inay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen Cismaan Sheekh Axmed Macaane oo ka mid ahaa madaxda degmada Afgooye.

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Afgooye Cabdilaahi Xasan Cabdi Taagane, ayaa VOA-da u sheegay in Cismaan Sheekh Axmed Macaane uu ahaa guddoomiyaha waaxda Mareereey.

Cabdilaahi Xasan waxa uu sheegay in guddoomiyahan la la’aa muddo laba bilood ah, balse shalay meydkiisa la helay, isaga oo la toogtay.

Mas’uulkan ay Al-Shabaab dileen, ayaa waxaa lala qafaashay seddex ruux oo kale, oo sida la sheegay lasoo daayey.

Jamaal Axmed Cismaan, ayaa arrimahaasi ka wareystay guddoomiye ku xigeenka Degmada Afgooye Cabdilaahi Xasan Cabdi Taagane.

Al-Shabaab oo dilay guddoomiye waaxeed
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:40 0:00

XS
SM
MD
LG