Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Wasiir Arrimo Dibedeedka Jabuuti


Maxamuud Cali Yuusuf
Maxamuud Cali Yuusuf

Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay in 7 qof ay ku dhinteen shaqaaqadii dhowaan ka dhacday xaafadda Belebela ee magaalada Jabuuto. Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka hadlay shaqaaqadaasi.

Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay in todoba qof ay ku dhinteen shaqaaqadii dhowaan ka dhacday xaafadda Belebela ee magaalada Jabuuto.

Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalkaasi Maxamuud Cali Yuusuf oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in dawladda ay xil iska saaraysay inay ilaaliso nabadda munaasabadda mowliidka iyo dadka ka qayb galay balse aysan dawladda kasoo horjeedin munsaabadda.

Waxa uu sheegay in amniga la adkeeyey tan iyo intii ay dhaceen weeraraii magaalada Paris ayna muhiim tahay sugidda amniga goobaha ay dadku iskugu imanayaan.

Haaruun Macruuf ayaa wareystay wasiirka.

Wareysi: Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti
please wait

No media source currently available

0:00 0:14:53 0:00

Dhinaca kalena waxaanu isla khadka telefoonka ee Jabuuti aanu kula xiriirnay Daahir Axmed Faarax oo ah Guddoomiyaha xisbiga MRD ahna Af-hayeenka Isbahaysiga Mucaaradka ee USN oo sheegay in maanta uun laga soo daayey xabsiga dawladda.

Weriyahayaga Maxamed Cabdi Xasan ayuu uga warramay sida ay wax u dhaceen?

Wareysi: Daahir Axmed Faarax
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:53 0:00

XS
SM
MD
LG