Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Oo Dagaal Ku Qabsatay Beerxaani


Dagaallo qaraar ayaa la sheegay inay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo ay wehliyaan kuwa Kenya ku dhexmareen halkaas.

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo iskaashanaya ayaa maanta weeraray saldhigyo ay maleeshiyada Al-Shabab ku lahaayeen degaanno dhinaca galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo.

Deegaanada ciidamada ay weerareen ayaa waxaa ka mid ah Beerxaani iyo Quddus, oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa idaacadda VOA u sheegay in ciidamada ay qabsadeen deegaanka Beerxaani oo illaa 80 km dhinaca galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo.

Dagaallo qaraar ayaa la sheegay inay dhinacyada dhexmareen, welina ma cadda khasaaraha dagaalkan ka dhashay.

XS
SM
MD
LG