Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burundi Oo Diidey In Ciidamo Loo Soo Diro


Ururka Midowga Afrika ayaa toddobaadkii tagay sheegay inuu ciidamo u dirayo dalkaas, xilli laga cabsi qabo inuu lugaha la galo dagaal sokeeye.

Burundi ayaa diiday shan kun oo askari oo ciidamo nabad ilaalin ah, oo ururka Midowga Afrika uu toddobaadkii tagay sheegay inuu u dirayo dalkaas, xilli laga cabsi qabo inuu lugaha la galo dagaal sokeeye.

Golaha Ammaanka Qaranka Burundi oo uu ku jiro madaxweyne Pierre Nkurunziza iyo dhammaan xubnihiisa golaha wasiirada ayaa ku gacan seeray hindisahan talaadadii, maalin kadib markii baarlamanka Burundi uu sheegay inuu ciidamadan u arko ciidamo dalka qabsanaya.

Wasiirka arrimaha dibedda Burundi, Alain Nyamitwe ayaa ku cambaareeyey Midowga Afrika inuusan la tashan dalka Burundi kahor inta uusan go’aansan dirista ciidamadan.

Waxa uu sheegay in tallaabada Midowga Afrika ay tahay mid ka dhan ah habdhaqanka diblomaasiyeed ee wanaagsan.

Ku xigeenka guddoomiyaha MIdowga Afrika Erastus Mwencha ayaa VOA u sheegay talaadadii in golaha ammaanka iyo nabad-galyada uu dhageystay Burundi kahor inta uusan gaarin go’aanka lagu dirayo ciidamada.

Dalka Burundi ayaa waxaa dhowaanahan ka scoday rabshado dad badan ay ku geeriyoodeen oo ka dhashay markii uu madaxweyne Pierre Nkurunziza bishii April sheegay inuu mar saddexaad is-sharxi doono.

XS
SM
MD
LG