Isku xirrada

Kay: Somalia Iminka Ma Ahan Dal Fashilmay


Nicholas Kay

Nicholas Kay

Kay ayaa sheegey in saddexdii sano ee u dambeysey wadanka la xasiliyey balse ay wali howl badani harsan tahay.

Sarkaalka ugu sarreeya ee QM u qaabilsan Somalia, ayaa sheegey in dalka Somalia uusan hada aheyn waddan guuldareystey balse uu yahay wadan bur bur ka soo kabanaya.

Nicholas Kay, ergeyga xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Somalia, ayaa sheegey in saddexdii sano ee u dambeysey wadanka la xasiliyey balse ay wali howl badani harsan tahay.

Kay ayaa sheegey in kooxda xagjirka Somalia ee Al-Shabaab aysan ku guuleysaneynin in ay iska indha tiraan horumarka la gaarey balse waxa uu xusey in doonista qaar ka mida kooxdaasi in ay ku biiraan ISIS ay tahay walaac dhab ah.

Nicholas Kay, ayaa xafiiska QM ee Soomaaliya ka tagaya dhammaadka bishan, waxaana lagu beddelay Michael Keating.

XS
SM
MD
LG