Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jidadka Boosaaso Oo Dib U Dhis Lagu Wado


Hirgelinta waddooyinka ayaa waxaa sidoo kale la socda dhireynta wadooyinka, nalalka cad-ceedda iyo dhismaha jirdiinooyin.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa ka billowday qorshe ballaaran oo wax looga qabanayo ciriiriga waddooyinka magaaladaas.

Waxaa magaalada laga hir-gelinayaa dhismooyinka dhowr jid oo dhex mara gudaha iyo daafaha magaalada.

Duqa cusub ee magaalada Boosaaso Injineer Yaasin Mire Maxamed ayaa sheegay in iminka ay socdaan dhismooyinka 4 waddo oo cusub, si dhibaatada ciriira ee wadooyinka wax looga qabto.

Injineer Yaasin Mire Maxamed, oo VOA la hadlay ayaa sheegay in dhismooyinka waddooyinka ay iska kaashanayaan dowladda hoose ee Boosaaso, dowladda dhexe ee Puntland, QM iyo shacabka magaalada.

Hirgelinta waddooyinka ayaa waxaa sidoo kale la socda dhireynta wadooyinka, nalalka cad-ceedda iyo dhismaha jirdiinooyin.

Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warkan kasoo dirtay Boosaaso.

Warbixinta Boosaaso
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:02 0:00


XS
SM
MD
LG