Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iskuulada Los Angeles Oo Maanta La Xiray


Dhammaan iskuuladda magaalada Los Angeles ee gobolka California ayaa maanta la amray in la xiro kadib mariii saraakiishu ay heleen hanjabaad lagu soo diray dhinaca emialk-ka.

Ardayda iskuullada oo gaaraya 643, 000 ayaa amray inay guryahooda joogaan.

Hanjabaaddan ayaa timid toddobaadyo kaddib markii Lamaane is-qabay oo Muslmiiin ah ay weerar ka fuliyeen magaalada San Bernardino ee gobolka California.

Mas'uuliyiinta ayaa baaraya 900 oo iskuul oo magaalada ku yaalla, waxayna talaabadan u muuqataa mid aan hore loo arkin.

Magaalada Los Angeles waxaa ku yaalla iskuullada labaad ee ugu badan dalka Maraykanka.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inay baarayaa bamb ama bambaanooyin, oo taasina ay xiriir la leedahay xirista iskuulada.

Hanjabaadda ayaa email ahaan waxaa loogu diray xubin ka tirsan madaxda iskuuladda, iyadoo lagu sheegay inay noqon karaa booryooynka iskuulada loo qaato ama xirmooyin kale.

XS
SM
MD
LG