Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqaalihii Gargaar Ee la dilay Yay Ahaayeen?


Ehellada iyo dadka yaqaanay shaqaalaha gargaarka ee shalay lagu dilay Muqdisho, ayaa VOA-da uga warramay.

Qaramada Midoobay ayaa si xooggan u cambaaraysay dilka mid ka mid ah shaqaalaheeda loogu gaystay magaalada Muqdishu shalay kadib markii dablay ay toogteen Aamina Nuur Maxamed oo ka tirsanayd hay’adda UNHCR.

Waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dilay Cabdirissaq Aadan Caddaawe oo u shaqayn jiray hay’adda Africa Action Help.

Labada qof ayaa waxaa ay ku geeriyoodeen rasaas lagu furay gaadhi marayey meel u dhow wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama, oo ay saarnaayeen.

Weriyahayaga Jamaal Axmed Cusmaan ayaa la xiriiray ehellada iyo dadka yaqaanay shaqaalaha gargaarka ee la dilay, warbixintan ayuuna nooga diyaaryey.

Warbixin: Shaqaalihii QM ee la dilay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:33 0:00

XS
SM
MD
LG