Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Madasha Oo La Isku Mari La' Yahay


Madasha wadatashiga
Madasha wadatashiga

Cabdullaahi Shirwac oo waraysi siiyay VOA-da ayaa ka hadlay caqabadaha ku hor gudboon shirka Madasha Wadatashiga ee Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda shirkii Madasha Wadatashiga qaran, oo ay xubno ka yihiin madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka oo looga doodayo sidii lagu go’aamin lahaa nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso ayaa la isku mari la’ yahay, ayada oo la isku hayo in hab beeleed ama hab deegaan lagu xulo xildhibaanada 2016 .

Cabdulaahi Maxmaed Shirwac waxa uu ka mid yahay dadka u dhaq dhaqaaqa bulshada rayidka, waana guddoomiyaha bulshada rayidka ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Cabdullaahi Shirwac oo waraysi siiyay VOA-da ayaa ka hadlay caqabadaha ku hor gudboon shirka Madasha Wadatashiga. Shirwac waxa uu sheegay in markii horeba dadka laga qayb geliyay talada 2016 ay ahaayeen dad ay maamullada soo xuleen oo fikirka maamul gobleedyada ku shaqeynayey.

Cabdullaahi Shirwac waxa uu sheegay in labada qodob ee la isku hayo ay siyaasiyiinta ku dabaqayaan danahooda siyaasadeed.

Weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir OK, ayaa wareystay Shirwac.

Wareysi: Shirwac
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:08 0:00

XS
SM
MD
LG