Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqaale Hay'adeed Oo Lagu Dilay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Aamina Maxamed Nuur iyo Cabdirisaaq Aadan Caddaawe oo u shaqeynayey hay'adaha QM, ayaa waxaa weeraray koox hubeysan.

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd rasaas lagu furay gaadhi marayey meel u dhow wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama.

Wararka hordhaca ah ee VOA soo gaadhaya ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen rasaastaasi.

Labada qof ee ku geeriyooday weerarka ayaa kala ah Aamina Maxamed Nuur oo shaqeyneysay QM iyo Cabdirisaaq Aadan Caddaawe oo u shaqeynayey hay'ad kale.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda weerarka geysatay ay gaadhi ku horjareen ka hor intii aanay bilaabin rasaasta, kadibna baxsadeen.

XS
SM
MD
LG