Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa waxaa dib uga soo cusboonaaday dagaal beeleedyo u dhaxeeya beelo halkaas wada degaa, waxaana socda baaqyo ku saabsan in dagaalka la joojiyo.
Odayaasha dhaqanka gobolka Shabeellada Hoose oo VOA-da la hadlay, ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo jiijiyo dagaaladan oo soo noqnoqday, islamarkaana wada-hadal laga galo.
Odayaasha ayaa sidoo kale ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay u gurmato dagaalka ka socda Marka, oo ay gacan ka geystao sidii loo joojin lahaa.
Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa dhinaca kalena gogol nabadeed u fidiyey beelaha ku dagaalamaya gobolka Sh/hoose, uguna baaqay inay xabadda joojiyaan.
Warbixintan waxaa Baydhaba nooga soo diray Muqtaar Maxamed Catoosh.