Isku xirrada

Ciidamada Turkey Oo Qaar Ka Baxay Ciraq


Tallaabadan ayaa dowladda Turkiga waxa ay ku macneysay "Dib u habeyn" xilli Ciraq ay dalbatay in Turkiga ay ka baxaan dalkaas.

Turkey ayaa qaar ka mid ah ciidamadeeda kala baxday xero ku taalla banaanka magaalada Mosul ee dalka Ciraq, warbaahinta dowladda ayaa sidaas sheegtay, taasi oo qeyb ka ah wax saraakiisha ay ugu yeereen “Dib u habeyn”.

Ciidamada Turkiga ayaa ka howl-galayey Ciraq, si ay gacan uga geystaan tababaridda dagaalyahannada deegaanka, waxaana horaantii bishan uu milatariga dalkaas ciidamo u diray Mosul, taasi oo ay sheegeen in loogu baahan yahay ilaalo ahaan.

Tallaabadan ayaa ka carreysiisay dowladda Ciraq, oo dalbatay in Turkey ay ciidamadeeda kala baxdo Ciraq, waxaana ay ku goodisay inay arrintan geyn doonto golaha ammaanka ee QM.

Laba sarkaal oo sare oo Turkish ah ayaa tagay Baghdad toddobaadkii tagay, si ay xiisaada u qaboojiyaan, hase yeeshee Ciraq ayaa ku adkeysatay dalabkeeda ah in ciidamada Turkiga ay ka baxaan dalkeeda.

Warbaahinta dowladda Turkiga ayaa sheegtay in tallaabada maanta ay qeyb ka ahayd in 10 illaa 12 oo baabuurta milatariga ah ay dib uga baxeen Mosul.

XS
SM
MD
LG