Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiis Laga Gaaray Isbeddelka Cimilada


Shirka caalamiga ah ee isbeddelka Cimilada ayaa lagu heshiiyay in la dhimo qiiqa hawada lagu sii daayo ee keenay in cimiladu kululaato. Shirkan Paris waxaa ka qeybgalay ergooyin ka socday ku dhawaad 200 oo dal.

Ergooyinka ayaa muddo laba toddobaad ah ka doodayay inay isla meel dhigaan sidii dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ahba ay iska kaashadaan xakameynta qiiqa warshadaha iyo gawaaridu ay hawada ku sii daayaan.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in laga shaqeeyo sidii kuleylka sii siyaadada ee dunida celcelis ahaan loogu heyn lahaa in ka hooseysa laba darajo cabirka Celsius-ka, isla markaana loo sii wado dadaal lagu hiigsanayo in heer kulka la xadeeyo, iyo in la garowsado ahmiyadda dhismista halista iyo saameynta isbedelka cimiladu ay u leeyihiin dunida iyo aadanaha iyo noolaha dul jooga.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku booriyay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee shirkaasi ku suggan inay ansixiyaan heshiiskan qabya qoraalka ah si uu u noqdo mid dhaqane gal ah.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande oo uu dalkiisu martigelinayay kulankan ayaa u sheegay ergada in wax ka qabashada cimilada dunidan ay tahay go’aan gacantooda ku jira.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo qoraal ku qoray boggiisa twitter-ka ayaa soo dhaweeyay heshiiska oo uu ku tilmaamay mid "aad u weyn"

Heshiiskan ayaa sidoo kale dhigaya in $100 bilyan oo dollar lagu maalgelin doono dalalka soo koraya, si ay uga qeyb qaataan wax ka qabashada cimilada sii kululaaneysa.

XS
SM
MD
LG