Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaggee Ayey Kooxda ISIS Hubka Ka Heshaa?


Qeybaha ugu badan ee hubka Daacish ayaa ka yimid dalalka Mareykanka, Ruushka, iyo dalalkii horey xubnaha uga ahaa Midowga Soviet.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in hubka ay Daacish u adeegsato fulinta weeraradeeda ay badankood ka qabsatay milatariga Ciraq, taasi oo muujineysa baahida loo qabo in laga fiirsado hubka loo dirayo gobollada aan deganeyn.

Warbixinta guddiga Amnesty oo ay diyaarisay hay’adda fadhiggeeu yahay Australia ee Armament Research Services, islamarkaana lagu taxliiliyey hubka ay adeegsato Daacish, ayaa muujineya inuu hubkaas ka yimid 25 dal oo kala duwan. Qeybaha ugu badan ayaa ka yimid dalalka Mareykanka, Ruushka, iyo dalalkii horey xubnaha uga ahaa Midowga Soviet.

“Hubka baaxadda leh ee kala duwan ee Daacish ay isticmaasho ayaa astaan u ah sida ka ganacsiga hubka ee aan laga fiirsan uu u huriyo dilalka si baaxad leh” waxaa sidaas yiri Patrick Wilcken oo ah cilmi baare ku taqasusay maamulka hubka, ammaanka ganacsiga iyo xuquuqda aadanaha oo ka tirsan Amnesty.

Guddi ka tirsan golaha Ammaanka ee QM ayaa warbixin ku sheegay in kooxdan ay hubka ay istcmaahso badankood qabsatay wixii ka dambeeyey bishii June ee sanaddii 2014.

Warbixinta Amnesty ayaa musuq maasuqa dowladda Ciraq ka dhex jira iyo xakameyn la’aanta hubka sabab uga dhigtay inay gacan ka geystaan in daacish ay fuliso weeraro ay hub badan ku qabsatay.

XS
SM
MD
LG