Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyihii Booliska Galgaduud Oo La Dilay


Ciidamada Dowladda
Ciidamada Dowladda

Faarax Warsame Cilmi ayaa waxaa dilay nin hubeysnaa oo isna ay toogteen ciidamada ilaalada u ahaa taliyaha la dilay.

Nin hubaysan ayaa maanta gudaha degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud ku toogtay taliyihii booliska gobalka ee dowladda Soomaaliya Faarax Warsame Cilmi.

Wararka ayaa sheegaya in ninka dilka taliyaha gaystay asna uu dhintay, kadib markii ay toogteen ciidamada ilaalada u ahaa taliyaha.

Illaa iyo hadda lama garanayo sababta uu ninkan u dilay taliyaha iyo cidda uu ka tirsanaa intaba.

Maamulka degmada Cabuudwaaq ee Galmudug oo ay VOA-da la xiriiraty ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dilka taliye Faarax Warsame Cilmi.

XS
SM
MD
LG