Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baraawe: Nin Mareykan Ah Oo Isa Soo Dhiibay


Ninkan ayaa kasoo baxsaday dagaalka dhex maraya Al-Shabaab ee ku saleysan ka mid noqoshada kooxda Daacish.

Nin la sheegay inuu u dhashay dalka Maraykanka oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee ku sugan magaalada Baraawe, sida uu VOA u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in ninkan uu kasoo baxsaday dagaalka dhex maraya Al-Shabaab ee ku saleysan ka mid noqoshada kooxda Daacish ama in lagu si jiro kooxda Al-Qaacida.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre, waxa uu sheegay in ninkan uu u sheegay in la doonayey in la dilo, sidaas darteedna uu naftiisa u cabsaday, oo uu soo cararay.

Ninkan oo weli aan magaciisa la sheegin, waxaa sidoo kale laga soo xigtay in dad ay saaxiibo ahaayen oo ajaaniib ahaa ay dileen maleeshiyada koxoda Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Amisom ayaa iminka baaritaan ku haya ninkan.

Wariayaha VOA Ridwaan Xaaji ayaa waraystay gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre, ugu horrayna waxaa uu weydiiyay in uu faahfaahiyo ninka la qabtay.

Mareykan Isku Dhiibay Dowladda
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:23 0:00

XS
SM
MD
LG