Isku xirrada

Obama "Daacish Waan Burburin Doonnaa"


Khudbadda madaxweyne Obama wuxuu shacabka Maraykanka u soo bandhigay istaraatiijiyada maamulkiisa ee ku aadan halista iyo dagaalka lagula jiro kooxda Daacish.

Obama wuxuu dadka Maraykanka ku booriyay ay inaysan baqdin galin kooxaha argagixisadu, kadib weerarradii ka dhacay magaalada Paris iyo gobolka California.


Obama wuxuu weerarkii California ee ay ku dhinteen 14 qof ku tilmaamay " fal argagixiso, oo loogu talagalay in dad badan lagu dilo"

Madaxweynaha ayaa sheegay in Maraykanku uu muddo badan-ba dagaal kula jirey kooxaha argagixisada, "tan iyo markii al-Qaacida ay dishay ku dhawaad 3-kun oo qof weeraradii ay Maraykanka ku soo qaaday Sept 11, 2001-dii”

Madaxweynaha wuxuu sheegay in kalista ka imanaysa argagixisadu ay "dhab tahay" balse laga guuleysan doono oo la "burburin doono Daacish iyo koox kale oo isku dayda inay dhibaato gaarsiiso Maraykanka"

Barack Obama wuxuu sheegay inay jiraan tallaabooyin maamulkiisa iyo Ccongress-ka Maraykanka ay si wadjir ah u qaadi karaan si looga guuleysto argagixisada, wuxuuna ugu baaqay inay "cod u qaadaan si loo ansixiyo sii wadida isticmaallkada awoodda militari”

Balse, Madaxweyne Obama wuxuu ka so horjeestay in ciidamo badan oo dhulka ah la geeyo Ciraaq iyo Syria. Wuxuu yiri "Mar kale nalaguma riixi karo dagaal ama duulaan dhulka ah oo daba-dheeraada, lacag bandanna ay ku baxdo oo aan ka fulino Ciraaq iyo Syria.”

Madaxweyne Obama ayaa wuxuuu balanqaaday in Maraykanka uu baacsan doono madaxda kooxaha argagxisada meel kasta oo ay ku dhuumanayaan.

Obama wuxuu sheegay inay sii wadayaan tababarrada iyo qalabka la siinaya ciidamada Syria iyo Ciraaq ee Daacish dagaalka kula jira, Maraykankuna uu saaxiibadiisa arrintan kala shaqeynaya.

Madaxweyne Barack Obama wuxuu soo hadal qaaday xakameynta iibsiga hubka ama qoryahaha ee gudaha Maraykanka, oo u sheegay inay dhici karto in qof argagixiso ah uu hub iibsan karo, wuxuuna ugu baaqay congress-ka Maraykanka inay hubiyaan in qof ku jira liiska dadka aan diyaaradaha raaci karin uu hub iibsan.

Madaxweyne Obama wuxuu sidoo kale congress-ka ugu baaqay in sidoo kale la adkeeyo baadhista kuwa viso la'aanta dalka Maraykanka ku soo gala ee wata baasaboorada waddamada Galbeedka, wuxuna sheegay in si dhab ahna loo eego inay dadkaasi u safreen iyo in kale dalalka ay dagaalladu ka socdaan.

Madaxweynaha ayaa khubaddiisa kaga hadlay cabsida ka jirta Maraykanka ee ka dhalatay weerarradii gobolka California, taasoo shaki ka dhex-abuurtay bulshooyinka Muslimiinta iyo dadka Maraykanka ka ah,

Obama wuxuu yiri inaan dadka Maraykanka la iska horkeeni kari, iyadoo dagaalka argagixisada laga dhigayo mid u dhaxeeya Maraykanka iyo Islaamka. Madaxweynaha ayaa sheegay in Daacish ay doonayso in dagaalku noqdo mid u dhaxeeya reer Galbeedka iyo Islaamka.

Obama wuxuu Daacish ku tilmaamay kuwo aan u hadli karin "Islaamka oo tuugo ah, qeybna ka ah nidaam dhimasho ah"

Madaxweynaha ayaa hoggaamiyayaasha Muslimiinta u sheegay inay tahay inay Maraykanka la shaqeeyaan si loo diido fikradda xafjirka ah ee cadaawadda ku saleysan ee al-Qaacida iyo Daacish ay wataan; wuxuu dhinac kale dadka Maraykanka u sheegay inaan Muslimiinta dalkan ku nool aan la faqooqin

Obama wuxuu yiri "Mas’uuliyad ayaa naga saran inaan diidno soo jeedimaha oranaya in Muslimiinta Maraykanka si dadka kale ka duwan loola dhaqmo”

Obama wuxuu sheegay in haddii la faquuqo Muslimiinta Maraykanka intaas guuldarro tahay, kooxaha argagixisada ee Daacish ay ka mid taha-na ay ka faaideysan doonaan.

Madaxweynaha Maraykanku wuxuu yiri "Muslimta Maraykanku waa saaxiibadeen, waa dariskeen, waa kuwa aan isla shaqeyno, waa geesiyadeena dhinaca ciyaarada, waana kuwa ka tirsan ciidamada ee diyaarka u ah inay u dhinteen difaaca dalka, waa inaan taas xasuusnaanaa”

Madaxweynuhu wuxuu ugu danbeyn sheegay in dagaalka ay kula jiraan argagixisadu uu guul ku dhammaan doono.

Khudbadda Madaxweyne Barack Obama uu xalay u jeediyay shacabka Maryakanka ayaa noqnaysa tii saddexaad ee uu ka soo jeediya xafiiska Oval ee ku dhex-yaalla gudaha Aqalka Cad.

XS
SM
MD
LG