Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Joe Biden Oo Ukraine Booqday


U.S. Vice President Joe Biden arrives at Borispol airport outside Kyiv, Ukraine, Dec. 7, 2014.
U.S. Vice President Joe Biden arrives at Borispol airport outside Kyiv, Ukraine, Dec. 7, 2014.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho ku tagay magaalada Kyiv ee caasimadda dalka Ukraine si uu mas’uuliyiinta xukuumadda ugu booriyo si ay u sii wadaan isbeddellada lagu sameyno laammaha kala duwan ee xukuumadda.

Biden ayaa sidoo kale u tagay dalka Ukraine in uu xukuumadda Kyiv u muujiyo taageerada Washington u hayso in aysan is dhimmin, inkastoo Maryekanka uu muddooyinka ku mashquulsan yahay colaadda ka jirta dalka Siiriya.

Biden ayaa la filayaai in uu la kulmo madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko, sidoo kale qudbad ka horjeedi doono baarlamaanka Ukraine berri oo Salaaso ah.

Biden ayaa dalka Ukraine ku joogi doono booqasho labo maal maalmood ah oo uu ku soo indho-indheyn doona dadaallada xukuumadda Kyiv ee la dagaallanka musuq-maasuqa iyo dib u habeynta canshuurka ka hor inta uusan Mareykanku u oggolaan Ukraine hal bilyan oo doolar oo qaan ah.

Booqashada Biden ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay yaraadeen dagaalladii bariga Ukraine ku dhexmari jiray ciidamada Ukraine iyo jabahadda uu Ruushka taageero oo ay ku dhinteen 8,000 kun o qof boqolaal kun oo kalana ay ku baro kaceen.

XS
SM
MD
LG