Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaalkacyo oo Ciidamada la kala Qaaday


Somalili balıkçı, avladığı köpek balığını satmak için balık pazarına götürüyor.
Somalili balıkçı, avladığı köpek balığını satmak için balık pazarına götürüyor.

Ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug ee ku dhex-dagaallamay magaalada Gaalkacyo ayaa maanta la kala qaaday, waxayna arrintani qeyb ka tahay heshiiskii ay labada dhinac gaareen maalintii Arbacada ahayd.

Taliyaha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha militari ee labada dhinac ayaa howshan kala fogeynta ciidamada goob-joog ka ahaa, waxaana ciidamada ay qolo walba dib ugu celisay saldhigyadii ay hore u joogeen ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxda Puntland iyo Galmudug, Cabdiwali Gaas iyo Cabdikariim Xuseen oo ay la socdaan RW Soomaaliya iyo madaxda maamullada kale ayaa socdaal ku maray koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkayo.

Madaxda ayaa iyadoo wada socda waxay si ka qeybgaleen kulan quraac ah iyo mid qado ah oo ka kala dhacay dhinaca Galmudugu iyo dhinaca Puntland.

RW Soomaaliya Cumar Sharmaarke ayaa kulanka quraacda ah oo ka dhacay dhinac Galmudug wuxuu ka sheegay in labada ay imika wadaan iskaashi kalsoonidiina ay soo noqonayso, iyadoo inta dhimanna la dhameystiri doono.

Jawiga magaalada ayaa haatan dagan, inkasta oo wali aanay dib u soo noqon dadkii magaalada ka baracakay oo tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 40 kun oo qof.

XS
SM
MD
LG