Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Soomaaliya iyo China oo Kulmay


Madaxweynayaasha Shiinaha iyo Soomaaliya Xi Jinping iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah xalay ku yeeshay Koonfur Africa.

Kulankan ayaa Mr. Jinping wuxuu ballanqaadey inuu mashaariic badan oo dhinaca dhaqaalaha ka fulinayo guud ahaan Soomaaliya, isla markaana la labanlaabayo iskaashiga labada dal.

Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa waxaa maanta lagu soo xirayaa kulanka dhexmaraya hoggaamiyaaasha Qaaradda Africa iyo madaxweynaha Shiinaha.

Kulankan oo shalay furmay ayaa looga hadlay iskaashiga iyo maalgashiga uu Shiinuhu ka wado dalal badan oo ku yaalla qaaradda Africa.

Madxweynaha Shiinaha ayaa shalay ku dhawaaqay yabooh lacageed oo gaaraya 60 billion oo dollar oo Shiinuhu 3 sanno ee soo socoto uu ku fulin doono 10 mashruuc qaaradda Africa.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysi ay VOA la yeelatay afhayeenka Madaxweynaha Somalia, Daa'uud Aweys.

Dhegayso: Waraysiga Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:51 0:00

XS
SM
MD
LG