Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Gaalkacyo Oo Maanta Degan


Gaalkacyo
Gaalkacyo

Magaalada waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland Cabdi Weli Gaas iyo Cabdikariim Guuleed.

Xaaladda magaalada Gaalkayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta dagan, kadib dagaal xooggan oo shalay halkaasi ku dhex maray ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.

Waxaa sidoo kale maanta magaalada ka dhacay kulan ay yeesheen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland Cabdi Weli Gaas iyo Cabdikariim Guuleed, si xiisadda labada dhinac si rasmi ah loogu dhameeyo.

Kulanka oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen saraakiisha ciidamada labada dhinac iyo culimada gobolka, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid iyo xubnaha kale ee waanwaanta qeybta ka ah.

Kulankan ayaa looga hadlay dhaqan gelinta heshiiskii ay gaareen dhinacyada, waxaana la isku raacay in tallaabada ugu horreysa ee la qaadayo ay noqoto in ciidamada la kala qaado.

Dhinaca kale, magaalada waxaa maanta la dilay nin ganacsade ah, halka sidoo kalena lagu dhaawacday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Wararkii u dambeeyey waxaa Gaalkacyo ka soo diray weriyaha VOA Cabdiwaaxid Macalin Isaaq.

Warbixin: Xaaladda Gaalkacyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:14 0:00

XS
SM
MD
LG