Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaahira: Weerar Bam Oo 16 Qof Lagu dilay


Baarka la weeraray
Baarka la weeraray

Sarkaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in qofka weerarka qaaday uu ahaa shaqaale dhowaan shaqada laga ceyriyey.

Saraakiisha dalka Masar ayaa sheegay in 16 qof la dilay, shan kalena lagu dhaawacay horaantii Jimcaha, kadib markii dhalo walxaha qarxa laga buuxiyey lagu weeraray baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Qaahira.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ka dambeysay weerarkan oo ka dhacay maqaayadda iyo baarka El Sayad ee xaafadda Agouza.

Sarkaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in qofka weerarka qaaday uu ahaa shaqaale dhowaan shaqada laga ceyriyey.

Wakaaladda wararka Masar ee MENA ayaa sarkaal kale kasoo xigatay in saddex nin oo watay mooto ay dhalada bamka ah ku tuureen baarka, kadibna ay goobta ka carareen.

Xagjiriin Islaami ah ayaa mowjdo weeraro ah ka fulinayey Masar tan iyo markii Milatariga ay madaxweyne Mohamed Morsi xukunka ka tureen sanaddii 2013-kii.

Weeraradaas badankood ayaa waxaa sheegtay koox ku xiran kooxda Daacish.

XS
SM
MD
LG