Isku xirrada

6 Sano Kadib Qaraxii Ardayda Ee Shaamow


Muqdisho

Muqdisho

6 sano kadib qaraxii hotel Shaamow ee dadka badan lagu laayey, waa sidee xaaladda waxbarasho ee jaamacadda Banaadir.

Maanta oo kale (3-da December) waa maalin Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho iyo umadda Soomaaliyeedba u ah maalin xusuus murugo leh xambaarsan.

3-dii December ee 2009, ayaa munaasabad qalinjibin ah oo ay ku sugnaayeen arday ka qalin jebinaysay jaamacadda Banaadir, macallimiinta jaamacadda, waalidiin iyo xubno ka socdey dowladii markaas jirtey, oo ka dhaceysay hotelka Shaamow ee Muqdisho, waxaa lala beegsaday qarax.

Dadka maalintaasi dhintay waxaa ka mid ahaa, suxufiyiin, arday, waalidiin, wasiirkii caafimaadka Khamar, Wasiirka tacliinta sare Ibrahim Caddow, wasiirkii waxbarashada Axmed Cabdulaahi Waayeel, iyo dhaqaatiir caan ah sida Professor Maxamed Aadan oo loo yaqiin Dr. Shahiid.

Dad u badnaa ardaydii qalin jebinaysay iyo waalidiin ayaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray dadka.

Haddaba 6 sano kadib waa sidee xaaladda waxbarasho ee jaamacadda Banaadir. Wariyaheena Cabdulqaadir Maxamed Okey ayaa warbixintan arrintaas ku eegaya.

XS
SM
MD
LG