Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqayn Ka Dhacday Shabeellada Hoose


Wararka ka imanaya tuulada Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in duqayn cirka ah ay caawa fiidkii ka dhacday tuulada, sida ay goobjoogayaashu sheegeen.

Dadka ku dhaqan tuulada Kuunyo Barow ayaa sheegay in weerar la tuhunsan yahay inuu yahay duqayn cirka ah lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, goor dambe oo fiidkii arbacada ah ah.

Duqayntan ayaa la sheegay inay ahayd mid culus. Illaa iyo hadda ma cadda cidda lagu bartilmaameedsaday weerarkan oo dhacay salaaddii maqrib kadib.

Ugu yaraan laba gantaal ayaa la sheegayaa in mid uu ku dhacay tuulada banaankeeda, mid kalena meel u dhow garaash ku yaalla tuulada.

Toban malamood ka hor ayay ahayd markii ugu yaraan sideed ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab lagu dilay weerar loo maleynayo inay fulisay diyaarad aanay cidna wadin oo ka dhacay deegaanka Baladul Ami, oo 120 Km waqooyi galbeed ka xiga magaalad Muqdisho.

XS
SM
MD
LG