Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia: Waan Cadeyn Karnaa Xiriirka Turkey iyo ISIS


Russia ayaa sheegtay inay hayso caddeymo muujinaya xiriir ganacsi oo sida ay sheegtay ay lee yihiin dowladda Turkiga iyo Kooxda Daacish.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca Russia ayaa sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya in xubno ka tirsan dowladda Turkiga, oo ay ku jiraan madaweyne Reccep Tayyip Erdogan iyo xubno ka mid ah qoyskiisa ay ku lug yeesheen ganacsiga saliidda sharci darrada ah oo kala dhaxeeya kooxda Daacish.

Isaga oo ugu yeeraya Daacish inay tahay kooxda hoggaamisa argagixisada dunida, ayaa wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Ruushka Anatoly Antonov waxa uu Moscow ka sheegay in argagixisada Syria ay sanadkiiba 2 bilyan oo dollar ka helaan ka ganacsiga saliida sharci darrada ah, ayna lacagtaas ku maal geliyaan inay qortaan dagaalyahanno, kuna hubeeyeen argagaxisada dunida.

Antanov waxa uu sheegay in macaamilka ugu weyn ee saliidan ay tahay dowladda Turkiga, oo xuduud la wadaagta Ciraq iyo Syria.

Eedeymahan cusub ee ka yimid Russia ayaa qeyb ka ah xiisad sii kordheysa oo ka dhex oogan Moscow iyo Ankara, kadib markii Turkiga ay tododbaadkii tagay soo rideen diyaraad dagaal oo Ruushka uu lahaa, oo Turkey ay sheegtay inay hawadeeda kusoo xadgudbtay, eedeyntaas oo Russia ay beenisay.

XS
SM
MD
LG