Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland Oo Xabsi Dhigtay Laba Suxufi


Xeer ilaalinta Somaliland ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in labada suxufi ay sameysteen wargeys dad kale u diiwaan gashanaa.

Magaalda Hargeysa waxaa maalintii labaad ku xidhan laba wariye oo ka tirsan warbaahinta Somaliland kuwaasi oo shalay xabsiga loo taxaabay kadib markii ay billaabeen soo saarista wargays cusub oo loo yaqaan Hubsad.

Xeer ilaalinta Somaliland ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in magaca wargeyskan uu dad kale u diiwaan gashanaa, sidaa darteed aanu qof kale sameysan karin, sidaas darteedna loo xiray Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar Cabdilaahi.

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa iyaguna ku dooday in maadaama aanu labadan wariye hay’ad garsoor dacwadooda qaadin aanay garanayn sabab loo xidho.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar Cabdilaahi ay magaca Hubsad kala wareegeen dad kale oo lahaa.

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Maxamed Aadan ayaa isna sheegay in labada weriye aysan haysan wax warqado sharci ah oo ay ku caddeyn karaan in magaca Hubsad ay la wareegeen, oo ay diiwaan gashteen.

Wariyaah VOA ee Hargeisa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa wareystay gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Maxamed Aadan.

Suxufiyiin la xiray
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:34 0:00

XS
SM
MD
LG