Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garowe: VOA Oo Kulan Dadweyne Qabatay


Dadweyne badan ayaa ka qeyb-galay kulanka
Dadweyne badan ayaa ka qeyb-galay kulanka

Kulankan oo ay ka qeyb galeen dadweyne badan, ayaa waxaa looga hadlayey ahmiyadda farsamada gacanta.

Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa kulanka dadweyne oo looga hadlayey ahmiyadda farsamada gacanta waxa ay maanta ku qabatay xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Dooddan ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, aqoonyahanno, dadweyne iyo xubno ka socday qaar ka mid ah iskuulada gacanta ee ku yaalla Puntland.

Dadweynihii iyo aqoonyahannadii ka qeyb-galay kullanka ayaa hoosta ka wada xariiqay ahmiyadda farsamada gacanta iyo in heer wanaagsan laga gaari karo, haddii farsamooyinka iyo hindisayaasha la hormaariyo.

Waxaa sidoo kale la soo jeediyey inay jiraan farsmooyin badan oo Soomaalida ay hindisaan, balse ay la’ yihiin suuq geyn.

Wasiir ku xigeenka haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Farxiya Yuusuf Xirsi, oo kullanka ka hadashay ayaa sheegtay in gabdhaha Soomaaliyeed ay kaalin wanaagsan ku lee yihiin farsamada gacanta.

Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan kasoo diray Garoowe.

Kulanka VOA
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:34 0:00

XS
SM
MD
LG