Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadaallo Nabadeed Oo Ka Socda Gaalkacyo


Dadaallo ka socda Gaalkacyo
Dadaallo ka socda Gaalkacyo

Madaxweynaha Maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa labaduba sheegay inay soo dhoweynayaan dadaallada nabad raaidnta ah ee Gaalkayo ka wad RW iyo madaxda ka socoto maamullada kale.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa weli ka socda dadaallo la doonayo in xal looga gaaro dagaallo dhowaan dhex maray maamulalda Puntland iyo GALMUDUG.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hoggaaminaya wafdi ka socda dawladda iyo maamul goboleedyada ayaa ku sugan magaalada, islamarkaana hogaaminaya dadaallada.

Shir jaraa'd oo madaxweynaha GALMUDUG Cabdikariim Guuleed iyo ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ay ku qabteen Gaalkacyo, ayaa waxa ay ku sheegeen inay isla meel dhigeen qodobo lagu xalinayo xiisaddan.

Madaxweynaha GALMUDUG ayaa sheegay in inay aqbaleen 4 qodob oo xubnaha waftiga ra’iisul wasaaraha uu hogaaminayo ay usoo bandhigeen

Guuleed ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha ku wareejiyay 9 ruux oo sid uu sheegay lagu qabtay dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa isna sheegay inay muhiim tahay xal ka gaaridda xaaladda Gaalkacyo, islamarkaana GALMUDUG ay soo dhaweeyeen qodobadii ay usoo gudbiyeen.

Cumar Cabdirashiid ayaa madaxweynaha GALMUDUG ka guddoomay maxabiistii lagu hayey xabsiga Gaalkacyo.

Dhinaca kale, madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa waqooyiga Gaalkacyo soo gaaray, waxaana ay kulamo la lee yihiin qaar ka mid ah salaadiinta Puntland.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe, ayaa shir jaraa’iid oo ay qabteen kadib tegitaankoodii Gaalkacyo waxa ay ku sheegeen in halkaas ay u yimaadeen ka qeyb qaadashada dadaallada nabadeed ee la doonayo in xiisadda halkaas ka jirta lagu dhammeeyo.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas waxa uu mar kale ku celiyey in dowladda Puntlanad aysan lahayn mas’uuliyadda dagaallada Gaalkacyo, islamarkaana mas’uuliyadda dagaaladaas ay tahay la saaro oo loo sheego cidda leh, sida uu hadalka u dhigay.

Warbixintan waxa magaalada Gaalkacayo nooga soo diray weriyahayaga Cabdiwaaxid Macallim Isxaaq.

Wada-hadallada Gaalkacyo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:44 0:00

XS
SM
MD
LG