Isku xirrada

Turkey: Marna Ma Raali Gelin Doonno Russia


Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa in ciidamada Turkiga ay guteen waajibaadkooda markii ay rideen diyaarad Ruushka uu lahaa.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu, ayaa Isniinta sheegay in waddankiisa aanu marna raali galin ka bixin doonin soo riditaanki diyaaraddii dagaalka ee Ruushka ee toddobaadkii hore, ay ciidamada Turkigu ku soo rideen xadka Syria iyo Turkiga.

Waxa uu warfidiyeennada u sheegay kadib kulan uu kula yeeshay guddoomiyaha NATO Jens Stoltenberg magaalada Brussels, in ciidamada Turkigu ay guteen waajibaadkooda ah inay difaacan hawada dalkooda.

Davatuglu, ayaa sheegay in Ruushku uu ka rejeynayo in uu dib u eego cuna qabateynta dhaqaale ee madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu sheegay in uu ku soo rogey Turkiga.

Cuna qabateynta, ayaa mamnuuceysa waxyaabaha Turkiga uu sameeyo ee Ruushka loo dhoofiyo, iyadoo sidoo kalena aan loo dheereyn doonin ogolanshiyaha shaqo ee shaqaalaha Turkiyiinta ah ee ka shaqeeya shirkadaha Turkiga ee gudaha Ruushka.

XS
SM
MD
LG