Isku xirrada

War Deg-Deg ah

2 Isra'iili Ah Oo Dilka Falastiini Loo Xukumay


Labada dhallinyarada ah ee maanta dambiga lagu helay ayaa la filayaa in xukun lagu rido bisha January ee 2016-ka.

Maxkamad ku taalla magaalada Jerusalem ayaa laba dhallinyaro oo Israa’iiliyiin ah ku heshay dambi la xiriira dilka wiil 16 jir Falastiini ah, oo nolosha lagula gubay bariga Jerusalem.

Maxkamadda ayaa hakisay go’aanka qof saddexaad oo ah 31 jir lagu magacaabo Yosef Haim Ben David, kadib markii garyaqaankiisa uu daqiiqaddii ugu dambeysay soo gudbiyey difaac cusub.

Labada dhallinyarada ah ee dambiga lagu helay ayaa la filayaa in xukun lagu rido bisha January.

Wiilka Falastiiniga ah oo lagu magacaabi jiray Abu Khdeir ayaa la afduubtay, kadibna la gubay, ayada oo looga aargudanayey afduubka iyo dilka saddex Israa’iiliyiin ahaa. Aabihiis ayaa cambaareeyey xukunka maanta.

Dilalkaas ayaa qeyb ka ahaa weeraro dhacay oo hoggaamiyey dagaal socday 50 maalmood oo ka dhacay marinka Gaza, oo ay ku dhinteen in ka badan 2,200 qof oo badankood Falastiiniyiin ahaa.

XS
SM
MD
LG