Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya Oo Xirtay Labo Nin Oo Basaas U Ah Iran


Kenya police
Kenya police

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xabsiga u taxaabtay labo nin oo Kenyaan ah, oo qirtay in ay sirdoonka dalka Iiraan ka caawineyeen shirqool lagu damacsanaa in lagu khaarajiyo, mas’uuliyiin reer galbeed ah oo la maaganaa in uu laga fuliyo gudaha dalka Kenya.

Taliyaha booliska Kenya Joseph Boinnet ayaa maanta sheegay in Abubakar Sadiq Louw oo 69 jir ah iyo Yassin Sambai Juma oo 25 jir ay qirteen in ay jaajuusiin u ahaayeen laammaha sirkoodkan ee dalka Iiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in ay hayaan caddeymo muujinaya dembiga ay raggaasi galeen kuwaasoo sidoo kale gudaha Kenya uga qorayey dad kale oo u shaqeeya laammaha sirdoonka ee dalka Iiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in Abubakar Sadiq uu 19 bishan November u Yasin Juma u diyaariyey safar uu ku tagi lahaa dalka Iiraan balse ay laamaha amnigu gacanta ku soo dhigeen.

Bishii June ee sanadkii 2013-kii ayey maxkamadda ku taalla dalka Kenya xukun ku riday labo nin oo Iiraaniyaan ah oo lagu helay in dalka Kenya ka wadeen shirqool la dooneyey in lagu dilo diblomaasiyiin reer galbeed ah, kuwaaso lagu xukumay xabsi daa’im.

XS
SM
MD
LG