Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin Dagaalka Gaalkacyo


Ugu yaraan 7 qof ayaa dhintay, in kabadan 30 kalena way dhaawacmeen, kadib markii maanta mar kale dagaal uu magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa dhacay saaka aroortii, waxaana wararku sheegayaa in dagaalkan uu sababay in dad badan ay magaalada ka qaxaan.

Puntland iyo Galmudug ayaa mid walba uu kan kale ku eedeynayaa inuu isagu dagaalka bilaabay.

RW Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo waan-waan ka dhex-waday labada dhinac ayaa Muqdisho ku noqday, wuxuuna sheegay inuu gobolka uga soo tagay wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo sii wada dhex-dhexaadinta labada dhinac.

Inkasta oo labada dhinac ay shalay sheegeen inay oggolaadeen dadaalka nabadeed ee RW Sharmaarke, haddana dagaalka maanta wuxuu muujinayaa in dadaalkaasi uu guul-darestay.

Warbixin ku saabsan dagaalka Gaalkacyo halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso:

Dhageyso Warbixinta Ku Saabsan Dagaalka Gaalkacyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:00:07 0:00

XS
SM
MD
LG