Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW Cumar oo Xal u Raadinaya Xiisadda Gaalkacyo


Sharmaarke
Sharmaarke

Cumar Cabdirashiid ayaa tagay Cadaado iyo Garoowe, isagoo wada dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisadda ka dhex oogan Galmudug iyo Puntland.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ay la socdaan wasiiro iyo saraakiil ka trisan dowladda dhexe ayaa gelinkii hore ee maanta booqday magaalada Cadaado kadibna u gudbay magaalada Garoowe, halkaasi oo uu kula kulmay madaxda labada dhinac.

Sharmaarke wuxuu labada dhinac ugu baaqay in xiisadda la dejiyo, islamarkaana la kala qaado ciidamada is-horfadhiya.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay dhinci karto in xiisadda Gaalkayo ee labada dhinac ka dhaxeysa ay salka ku hayso tuhun loo baahan yahay in meesha laga saaro

Magaalada Gaalkacyo ayuu ku sheegay inay muhiim tahay, lagana filayo madaxda labada maamul inay gaaraan heshiis la mid ah kii ay hore u gaareen labadii hoggaamiye Korneyl C/llaahi Yuusuf iyo General Caydiid oo uu sheegay in dadka labada dhinac ay muddo ku wada noolaayeen.

Labada dhinac ayaa iyagu soo dhaweeyay dadaalka nabadeed ee Sharmaarke uu maanta billaabay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Garoowe ka sheegay in dhinaca Puntland ay diyaar u tahay inay nabad kula noolato deriskeeda.

Cismaan Ciise Nuur oo ah wasiirka amniga ee maamulka Galmudug ayaa isaguna Gaalkacyo ka sheegay in dhinacooda ay soo dhaweynayaan dadaalka nabadeed ee ra’iisul wasaare Sharmaarke uu wado.

Xaaladda magaalada Gaalkayo ayaa galabta daganayd, inkastoo maanta duhurkii la sheegay in magaalada laga maqlayay rasaas goos-goos ah oo ay isweydaarsanayeen ciidamada labada dhinac ee isku horfadhiya dhinaca galbeed ee magaalada Gaalkayo.

Warbixinta oo maqal ah oo ay la socdaan codadka madaxda arrintan ka hadashay hoos ka dhageyso.

Warbixin: Dadaallada Ra'iisul Wasaaraha
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:44 0:00

XS
SM
MD
LG